Gudoomiye ku xigeenka Amniga gobolka Shabeellaha hoose Cali Dhuux oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu xumaaday xiriirka ciidanka dowladda ee ku sugan Shabeellaha hoose iyo AMISOM, arrintaan ayuu ku sababeeyey iyagoo AMISOM uu ku sheegay inay xeyahooda kasoo baxaan oo kaliya markay xero kale u guurayaan.
Cali Dhuux ayaa AMISOM ku dhaliilay inay ka gaabiyeen howlaha ay u joogaan gobolka Shabeellaha hoose, wuxuuna masuuliyada dusha uga tuuray taliyaha ciidamada AMISOM Shabeellaha hoose .
“Waxaa xumaaday xiriirka ka dhaxeeya Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, in uu xumaado xiriirka labada dhinac waxaa keenay Ciidanka AMISOM oo ka gaabiyay Howlgalka, keliyana ay soo baxaan marka ay doonayaan in ay gaaraan xero kale oo ku taalla gobolka.” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka Amniga gobolka Shabeellaha hoose.
Xiriir xumaashaha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay AMISOM ku amartay inay isaga baxaan goobaha muhiimka ah waxaana jira goobo laga saaray.
PUNTLAND POST
Xasan Bashe.