Guddiga doorashooyinka Puntland TPEC oo doortay gudoomiye

Guddiga doorashooyinka Puntland TPEC ayaa maanta oo axadda waxay doorteen gudoomiyaha guddiga oo muddo 9 billood ah gudoomiye la’aan ahaa, waxaana xilka gudoomiyaha siihayey gudoomiye ku xigeenka Maxamuud Soofe Xasan kadib markii uu iska casilay gudoomiyaha Axmed Maxamed Cali (Kismaayo), waxaa ka qayb galay doorshada oo lagu qabtay PDRC Wasiiradda Dastuurka, Amniga, Arimaha gudaha , Caafimaadka , Xildhibaano iyo Ururrada rayid ah.

Waxay guddigu gudoomiye u doorteen Caaqil Cabdiraxmaan Diiriye Shuuqe kadib markii uu tanaasulay musharixii kale ee la tartamyey oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, 9-ka xubnood ee guddigu ka kooban yahay ayaa gacantaag codka ku siiyey.

Wasiiradda , Xildhibaanada iyo ururrada rayid ah ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyey doorashada iyo gudoomiye Shuuqe, waxayna sheegeen inay la shaqayn doonaan, iyagoo ku bogaadiyey howsha loo igmaday.

Maxamuud Soofe Xassan ayaa sheegay in muddo 9 billod ah uu guddigu bilaa gudoomiye ahaa , xeerka guddiga doorashooyinka Puntland ayaa qaba in 9 xubnood markay dhanyihiin in la doorto gudoomiyaha .

Wuxuu tilmaamay in guddigu wax isweydiiyiin labo musharax ayaana xilka u tartamayeen , waxaana tanaasulay Musharax, sidaa darteed Cabdiraxmaan Diiriye Shuuqe uu yahay maanta laga billaabo dudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland.

Cabdirixmaan Shuuqe oo madasha hadal ka jeediyey ayaa umahadceliyey guddiga doorashooyinka Puntland oo gudoomiye u doortay, wuxuu goobta ka ballan qaaday inay dar dargalin doonaan howlaha shaqo ee guddiga horyaala , labo asbuuc gudood ayuu sheegay in war laga helo arrimahaas ku saabsan.

Shuue wuxuu kaloo ballan qaaday in ummadda reer Puntland inan si cadaalad ah ugu shaqayn doono, islamarkaana aan ku shaqayn doonin wax faragalin ah.

Cabdirixmaan Diiriye ayaa dowladda , shacabkaba ka codsaday inay ka heleen gacan iyo garab dhab ah oo ay taageeraan.

Gudoomiyaha Cusube ee guddiga doorashooyinka Puntland ayaa dhawaan xubinta guddiga waxaa soo magacaabay madaxweynaha Puntland , maalmaho ka hor ayaa baarlamaanka Puntland xasaanada siiyeen.

Sawirro.


PUNTLAND POST

Xasan Baashe.