Faah faahin Qarax ka dhacay wadadda Maka Al-Mukarama Muqdisho

5 ruux ayaa ku dhintay 10 kalena waa ku dhaawacmeen gaari nooca loo yaqaan Harrier oo ku qarxay wadadda Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho , sida uu warbaahinta u xaqiijiyey afheenka wasaaradda amniga Axmed Maxamed Maxamuud, isagoo ku eedeeyey masuuliyada qaraxaas Al-shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay inay ka xunyihiin Qaraxa lala eegtay shacabka Soomaaliyeed , islamarkaan ay u tacsiyeynayaan shacabkii ku dhintay.

Axmed Maxamed ayaa tilmaamay in goobta la qarxiyey aysan joogin masuuliyiin ka tirsan dowladda, balse ay joogeen shacab Soomaaliyeed oo ganacsigooda watay, afhyeenka ayaa qiray in mar cadowgu heli karaan fursad ay wax ku qarxiyaan, isagoo hadalkiisa raacshay in shacabka Soomaaliyeed amaankooda ciidamada dowladdu sugeen siina sugi doonaan.

Afhayeen Wasaaradda amniga ayaa carabaabay in cadowgu uu beegsanayo shacabka Soomaaliyeed, sidaa darteedna loo baahan yahay in  ciidanka loo hiiliyo, wuuxu tilmaamay inay xabada ku socota shacabka isu dhigayaan.

Wadadda Maka Al-Mukarama xilliga uu qaraxu ka dhacayey waxaa marayey baabuur waxaa hareeraha wadadda ku ganacsanayey dad Shacab ah.

Halkan ka Dhagayso Codka afhayeenka.

PUNTLAND POST.

Xasan Bashe.