Somaliland oo ka hadashay Kaniisad laga furay Hargeysa

Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Kaniisad la sheegay in muddo 30 sano ah kadib laga furay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaas.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Shiikh Khaliil Cabdulaahi Axmed oo maanta Warbaahintu wax ka weydiisay arrintaas ayaa sheegay in Wasaaradiisu ka soo saari doonto War rasmi ah, laakiin waxa uu ka digay in tafaasiil khaldan laga bixiyo arrintan.

“Runtii aad iyo aad baan uga xunahay wararka lagu faafiyay baraha bulshada gaar ahaan Facebook-ga oo soo xiganaya hadalo qof dumar ah oo Kirishtana oo dalka dagan, laakiin sawiro iyo warar been abuura ka turjumay, sidaas darteed Wasaarada Diinta iyo Owqaafta waxa ay go’aan satay iyada oo kaashanaysa Wasaarada arrimaha dibada in ay soo saari doonaan War-saxaafadeed ay uga hadli doonaan arritan xaqiiqadeeda” ayuu yiri Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa diiday in Warbaahintu wax soo’aalo ah ka weydiiso arrintan, isagoo sheegay in dib uu ka faahfaahin doono arrintan.

Mariane Vecchione oo ah Haweeney ka mid ah ajaanibta ka shaqeeya magaalada Hargeysa ayaa shalay sheegtay in Somaaliland ay kala hadleen furitaanka Kaniisad Kaatoolig ah oo ay ku cibaadeestaan dadka Kirishtanka ah ee ku sugan Hargeysa, waxayna xaqiijisay in loo ogolaaday in ay furtaan.

PUNTLAND POST