Shir u dhaxeeya Ahlusuna iyo Galmudug oo Muqdisho ka furmaya

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in todobaadkaan uu magaalada Muqdisho ka furmayo Shir looga hadlayo Arimaha Gobalada dhexe, kaasi oo ay garwadeenka tahay Qaramada Midoobay oo kaashanaysa Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Shirkan oo Talaadada soo socota ee Asbuucaan ka furmaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya ayaa waxaa loo qabanayaa Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna oo dhamaantood ka Arimiya Gobalada Dhexe waxaan garwadeen ka ah Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya markii ugu Horeysay Faragalin toos ah ku Sameynaya Khilaafka Labada Maamul.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa Sheegay maalaha soo socda in uu imaanayo magaalada Muqdisho oo Shirkaasi uu uga qeyb galayo waxa uuna xuasay Shirka ita uu socdo in lagu soo hadal qaadi doono Abaarta ka jirta deegaanada maamulkiisa asagoo maamulka Ahlusuna ka codsaday in Wadahadal lagu dhameeyo tabashooyinka Jira.

PUNTLAND POST