Dhaqaatiirta Isbitaal khaas ah oo dhaca Koonfur bari Gogoblka Andhra Pradesh ee dalka India ayaa aad ula dhacay markii boqolaal dhagaxyo ah laga helay kaliyaha mudaawin Soomaaliyeed, kaas oo kalyihiisa haleeleen caafimaad darro baahsan oo kuga baahday.
Bukaankan oo lagu magcaabo Cabdiraxmaan ayaa ka yimid magaalada Gaalkacayo ee Koonfurta Soomaaliya waxaana dhabar xanuun uu hayay muddo saddex sano ah,waxaana uu booqday markii xanuunku ku daba dheeraaday xarun caafimaad oo ka tirsan isla magaalada Galkacayo, dhaqtarka ayaa xiligaas u sheegay markii la saaray qalabka lagu baaro caafimaad qofka ee Scan-ka in labadiisa Kaliyood ay ku jiraan dhowr xabo oo dhagxaan ah.
“Markii uu noo yimid kelidiisa bidix saameyn xoogan ayaa laga dareemayay oo caafimaad darro ah si sax ahna uma aysan shaqeyneenin” sidaasi waxaa tiri V.Surya Prakash oo ka howlgasha Isbitaalka Virinchi ee dalka India, kadib markii saddex maalin ka hor qaliin lagu sameeyay.
Dhaqaatiirta ayaa sidoo kale sheegay in dhagaxa ugu weyn cabirikiisu ahaa saddex Centimeter waxaana ay sheegeen in sidoo kale laga helay boqool dhagxaan oo yar yar waxaana Dr.Prakash uu tilmaamay in tiradoodu ay dhan tahay 700 oo dhagxaan, halka horey uu u arkay 100-150 dhagax laga soo saaray dadkii horey qaliinka loogu sameeyay.
Bukaanka ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin shaqsi kamid ah ehelkiisa oo sidan oo kale ay ku dhacday.
PUNTLAND POST