Dowladda Soomaaliya oo ku howlan inay samayso lacag cusub

Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali maanta oo khamiisa warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lacagta shillin Soomaaliga ah faalisada ah oo kusoo badanaysay waayadan dalka ayaa sheegay inay ganacsigii xayirtay, islamarkaana ay khalkhal galisay maciishadii, gobolo badana laga diiday sida Puntland, Gal-mudug , Hirshabeelle.

Bashiir ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto lacagtaas, bandhigaga dhexe ayuu xusay in talo ku leeyihiin sidii wax looga qaban lagaa lacagtaas , balse ay tahay cida looga fadhiyo inay wax ka qabato dowladda dhexe iyo haa’yadeheeda ku shaqo leh.

Gudoomiyaha Bangiga dhexe ayaa ka dhawaajiyey inay ku howlan yihiin inay soo daabacaan lacag rasmi ah oo aan la been abuuri karin , dadka lacagta been buurka ah wadana laga joojiyo.

Hadalka gudoomiyaha Bangiga dhexe Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa hadalkiisu kusoo aadaya xilli inta badan gobolada dalka laga dareemayo sicir barar xooggan , iyo lacago faro badan oo shillin Soomaali ah oo lagu sheegay Faaliso.

Halkan ka Dhagayso codka.



Hassan Bashe.

PUNTLAND POST.