Garowe-(PP)-Hogamiyayaasha kala hogaamiya labada dowladood ee ku dagaalamaya dalka Liibiya ayaa heshiis ku gaaray dalka Frances-ka oo marti galiyey shirka.
Ra’iisul wasaaraha dowladda ay taageerto Qaramada Midoobay iyo abaanduulaha milateriga Liibiya Khalifa Haftar oo isna maamulka bariga Liibiya ayaa tallaadadii ku kulmay Paris.
Hogamiyayaasha ayaa isla gartay in la sameeyo xabad joojin ka dhaqan gasha Liibiya , si xal loogu helo dagaalada soo noq noday ee dalkas hareeyey.
Madaxweynaha Franceska Emmanuel Macron oo marti galiyey shirka ayaa sheegaya in labada dhinac oo aad isu haya ay soo afjari doonaan colaada Liibiya,, astaana u noqon doonaan dib u heshiisiinta Liibiya .
Kullankan ayaa looga gon leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka liibiya ka taagna tan sanadii 2011 markaas oo xilka laga tuuray Kol. Mucamar Qaddaafi.
Waa markii ugu horaysay oo labada dhinac heshiis noocaana kala saxiixdaan.
Xafiiska Wararka Garowe.
PUNTLNAD POST.