PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Warar sheegaya in la qabtay Cabdirasaq Tahliil (Calool Geel)

Share
Cabdirasaq Xuseen Tahliil (Calool Geel)

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in la qabtay madaxii dhaqaalaha iyo Saadka Al-Shabaab ugu qaabilsanaa gobolka Mudug Cabdirasaq Xuseen Tahliil (Calool Geel).

Wararka ayaa sheegaya in ninkan iyo saddex qof oo kale lagu qabtay howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Sirdoonka Puntland iyo Galmudug, kaas oo laga fuliyay Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Cabdirasaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) ayaa Maxkamadda ciidamada Puntland 02/03/2013 ku xakuntay dil toogasho ah, kadib markii 17/11/2012 lagu qabtey Gaalkacyo isaga oo wada boorso ay ku jiraan walxaha qarxa islamarkaana qirtey inuu yahay Al-Shabaab, laakiin xabsiga Puntland ayaa laga sii daayay dhamaadkii sanadkii 2014-kii, kadib markii labo muwaadiniin oo reer Puntland ah Afduub loogu qabsaday Koonfurta Gaalkacyo taas oo keentay in qaab nabad ah la isku dhaafsaday Cabdirasaq Tahliil (Calool Geel) iyo dadkii shacabka ahaa.

Cabdirasaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) ayaa lagu eedeyay sii deyntii sii kadib inuu ka dambeeyay qaraxyo iyo dilal ka dhacay gudaha Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale isku dhacyadii dhexmaray Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale Calool Geel ayaa mar la sheegay in lagu dilay weerarkii 28/09/2016 Ciidamada Puntland oo kaashanaya diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen meel bariga uga beegan Gaalkacyo, kaas oo lagu beegsaday koox lagu tuhunsanaa in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Puntland iyo Galmudug ayaa weli ka hadlin qabashada madaxii dhaqaalaha iyo Saadka Al-Shabaab ugu qaabilsanaa gobolka Mudug Cabdirasaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo horey looga siidaayay xabsiga Puntland.

PUNTLAND POST

1 comment

  1. Waa sharci darro afduubka loo geystay Ganacstada says:

    Arintaani waa arin culus yaanan la Marnaba la fududeysanin, waxaa muuqato in Dowladda mareykanka ay farogelin buuxdo ku heyso gobolka Mudug, gaar ahan magalada Gaalkacyo, iyadoo aan ognahay colaadihii is xig-xigey iney ku lug lahayd dowladda mareykanka.. laakin weli isan jirin cid u raacatey ama kala xisaabtantey DHIBAATADII QASAARAHA BADNEYD EE KA DHACDEY GAALKACYO oo isugu jirtey NAF & MAAL. hadaba Maxay tahay sababta uu mareykanka u farogelinaayo arimaha gudaha ee Dalka soomaliya?? Waa in uu ka dhex abuuro dhibaato & colaaad shacabka wada degen gobolka Mudug.
    Haddii ciidan punltand ka socda ay mar dambe afduubaan iyagoo u shaqeynaayo dano dowlada mareykanka , waa in Tilaabo sharicaga waafaqsan laga qaado.. sababtoo ah maahan wax la aqbali karo, wixii Dhibato ah eek a yimaadana iyaga ayaa Masuuliyadeeda Qaadi doona !!!
    Waxaan xasuusanaaa Ciidamadda mareykanka dhibaatadii ay ka geysteen degmadda jeexdin & sida qaldan oo ay u bartilmaameedsadeen Ciidankii u adeegaayay shacabkooda.taasi oo aan weli wax mag dhow ah laga Bixin !!!
    Puntland waa iney soo wareejiso Garoonka Gaalkacyo, sababtoo ah waxa muuqato in garoonka ay ka dhigtey mid ay ugu adeegto dowladda Shisheeye oo dano siyaasadee oo guran ka leh Dalka Soomaliya, sidaasi darted , waxaa sharki ku jirin iney si qaldan oo aan shariciga dalka waafaqsaneyn u isticmasho Garoonka gaalkacyo, uguna adeegto Isticmaar aan Soomaaliya wax wanag ah la rabin !!! Waa nasiib daro
    Maahan wax la aqbali karo, waxa ay Dowladda Mareykanka ka wado gobolka Mudug, Gaar ahaan Gaalkacyo.
    Gal-mudug waa iney mid ogaato, Dowladda mareykanka maahan saaxiib GAL-MUDUG STATE waa in midaasi la ogaado,loona wada diyaar garoobo in si wada jir ahna la isaga dul-qaado, loogana hortago shar-kasta oo ay dowlada mareykanka la damacsan tahay shacab weynaha Soomaaliyeed & GAL-MUDUG-ba.
    Gebo gabadii, Shacabka gaalkacyo waa iney agaasimaan, isla mar ahaantaana ay abaabulaan BANAANBAX aan loo kala harin oo lagu dalbanaayo siideynta GANACSTADA & shacabka sida qaladan loo xiirey, looguna digo punltand, gaar ahan kuwa u adeegaayo isticmaarka !!!

    Waad madsan tahiin.

Leave a Reply