
Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo ayaa Adna Aadan Ismaaciil u magacaabay Ergeyga gaarka ah ee Wada-hadallada maamulkiisa iyo dawladda Soomaaliya.
Adna Aadan Ismaaciil oo soo noqotay marwadii Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa ah qof ay ku weytahay qadiyada maamulka Somaliland.
Digreetada ayaa u qorneyd sidatan:-
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay SL/M/XERM/249-4921/072017 uu maanta ku magacaabay Ergeyga gaarka ah ee Wada-hadallada Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya.
MADAXWEYNUHU:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Somaliland;
Markuu Ku Qancay: Mudnaanta uu Qaranka u leeyahay Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya;
Markuu Arkay: Ahmiyadda ay leedahay in Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysaa taban-taabiso wada-hadalka u dhexeeya labada dal;
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo mas’uul aqoon u leh xidhiidhka Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysa
Markuu Arkay: Qoraalka soo jeedinta ah ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah;
Markuu Ku Qancay: In ay leedahay waaya-aragnimada, aqoonta iyo kartida looga baahan yahay mas’uulka xilkan gudan kara;
Wuxuu go’aansaday
In Marwo, Adna Aadan Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya, waxaanay la shaqayn doontaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
PUNTLAND POST