
Shirkii Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.
Shirka oo ah shirkii Khamiislaha ee Golaha ayaa waxaa shir guddoominaya Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoona ay ku sugan yihiin Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo inta badan Golaha Wasiiradda.
Sidoo kale waxaa magaalada Kismaayo ka dhici doona kulamo gaar gaar ah oo Ra’iisul wasaaraha iyo Golahiisa Wasiiraddu ay la qaadan doonaan madaxda maamulka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo shalay markii uu soo gaaray Kismaayo ka hadlayay ahmiyada uu leeyahay shirka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha in lagu qabto Kismaayo ayaa sheegay in ay muujineyso midnimada iyo in dowladdu diyaar la tahay in shacabka la xisaabtamo.
Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in ay todobaadyada soo socda shirkooda Khamiislaha ah ku yeeshaan xarumaha dowlad goboleedada dalka.
PUNTLAND POST