Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya oo shir ku yeelanaya Kismaayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Fedeeralka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in shirka ugu horeeya ee Golaha wasiiradda uu ka dhici doona magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo la hadalayay warbaahinta dowladda ayaa in arintaas ku macneeyay in looga golleeyahay in la xoojo xiriirka ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedada dalka.

Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya ayaa qorshaysay in todobaadyada soo socda Golaha wasiiradu shirkooda ku yeeshaan xarumaha dowlad goboleedada, si ay awoodeeda u gaarsiiso dalka oo dhan.

Golaha wasiiradda Xukuumadda Fedeeralka Soomaaliya ayaa Khamiista soo socota ku shiri doona magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

PUNTLAND POST