Canshuur:- “Internetka oo go’an dartiis dowlada waxaa ka khasaarta $10 Million maalintii”

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay tan iyo markii uu go’ay qadka internet-ka ee guud ahaan dalka laga isticmaalayay in ay maalin waliba ay ka soo xaroon jirtay lacag dhan 10 Milion oo doller waxaana lagu tilmaamay in ay tahay khasaaro weyn oo dalka soo gaaray.

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta dowlada federaalka soomaaliya Mr.Cabdi Canshuur Xasan ayaa shir saxafaadeed uu magaalada Mogdishu ku qabtay waxa uu ku sheegay in soomaaliya ay lumisay lacag ka badan  130 Milion oo dollar tan iyo maalintii internet-ka la waayay oo ay ka soo wareegatay 13 maalin.

Adeega khadka internet soomaaliya oo dadka Soomaaliyeed ay aad uga xumaadeen ayaa waxa uu saameyn weyn ku yeeshay intaba badan gobalada Koofureed ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay magaalada Mogadishu.

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta si faah-faahsan ma’uusan kaga hadlin waxa sababay maqnaashaha internet-ka Soomaaliya, balse saraakiil dowlada ka tirsan iyo qaar kamid ah shirkadaha internet-ka bixiya ayaa ku bababeeyay dhibaatadan khadka Soomaaliya soo gaartay in Markab ganacsi uu jaray fiilo Cable-ah oo hoos marta badda hoosteeda.

Cabdi Canshuur Casan wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta dowlada federaalka soomaaliya ayaa waxa uu xusay in dowlada ay ka shaqeyneyso sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan in loo soo celiyo adeega khadka internet-ka dalka Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho