Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Guddiga Taakuleynta Ciidamada Qaranka


Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(farmaajo) ayaa magacaabay Guddiga taakuleynta Ciidamada Qaranka Soomaliya.

Guddigaan waxaa gudoomiye loogu dhigay Gen Jaamac Maxamed (Qaalib), Gudoomiye ku-xigeena waxaa loogu dhigay Shiikh nuur Baaruud (Gurxan).

Madaxweynaha oo Guddigaan hadiyad ahaan u saxiixay Kitaanka Qur’aanka Kariimka ayaa ugu baaqay in ay shaqadooda si wanaagsan u gutaan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii loo tayeyn lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(farmaajo) ayaa ugu baaqay shacabka Soomaliyeed in ay isku tashadaan islamarkaana ay ka garab istagaan Ciidamada dowladda, si ay  u difaacaan dhulka, Cirka iyo Badda.

Waa Madaxweynihii ugu horeeya ee Soomaaliyeed ee magacaaba guddiga taakuleeynta ciidamada Dowlada Soomaaliya oo ka cabanaya mushaar la’aan baahsan iyo dhibaatooyin heeysta.

Hoos ka dhageyso Codka Madaxweynaha.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho