Madaxweyne Farmaajo oo Furaya Kalfadhiga Baarlamaanka

Maanta oo sabti ah taariiqduna ay ku beegantahay 08-07-2017 waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu furo kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 10-Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qudbad dheer ka jeedin doono furitaanka kalfadhiga taasi oo uu uga hadlayo xaaladaha dalka Soomaaliya.

Waxaa ku soo laabtay Muqdisho gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo dalka dibadiisa ku maqnaa.

Sidoo kale waxaa iyana shalay ilaa doraad Muqdisho ku soo laabanayay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku maqnaa dalka dibadiisa iyo dalka gudihiisa.

Kalfadhigaan 2-aad ee Baarlamaanka ayaa waxaa horyaala shaqooyin badan oo ay u soo bandhigi doonto xukuumada cusub ee Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Kalfadhigaan Baarlamaanka la horgeeynayo mooshin dhowaan Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya  ay ka soo gudbiyeen Xukuumada Ra’isilwasaare  Kheyre

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho