
Madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Ruushka Donald Trump iyo Vladimir Putin oo kulan ka fool ka fool ah yeeshay ayaa ka wada hadlay eedeymaha ah in Ruushku uu faragelin ku sameeyay Doorashadii madaxtinimada Mareykanka ee uu ku guuleystay Trump.
Kulan labada madaxweyne ayaa barbar socday shirkii hoggaamiyeyaasha dalalka G20 ee ka dhacay magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka, waxayna ku heshiiyeen in ay diiradda saaraan sidii ay xiriir wanaagsan u yeelan lahaayeen.
Sidoo kale Donald Trump iyo Vladimir Putin ayaa ku heshiiyay in xabbad joojin laga hirgeliyo Koonfur galbeedd ee dalka Suuriya, iyadoo la sheegay in heshiiskaas uu dhaqangeli doono maalinta beri oo axad ah.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in labada madaxweyne ay kulankooda diiradda ku saareen sidii ay uga gudbi lahaayeen muran laga yaabo in uu noqdo mid ay adkaato in la xakameeyo.
Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in Trump uu aqbalay hadalka Putin oo u xaqiijiyay in Ruushka uusan marnaba faragelin ku sameyn Doorashada Mareykanka.
FBI-da Mareykanka ayaa waday baaritaano ah in Ruushku faragalin ku sameeyey doorashadii 2016, si ay umarin habaabiyaan hanaankii Doorashada.
PUNTLAND POST