Xulafada Sucuudiga oo sheegay in ay tallaabooyin hor leh ka qaadi doonaan Qadar


Xulafada Sucuudiga ee muranka Diblomaasiyadeed uu ka dhexeeyo dowladda Qadar ayaa diidmadii 13-kii dalab ku macneeyay mid khatar ku ah ammaanka gobolka.

Bayaan ay si wada jira u soo saareen Sucuudiga, Baxrayn, Masar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayay ku sheegeen  in ay soo saari doonaan tallaabooyin dheeriya oo ah kuwo Diblomaasiyadeed iyo kuwa dhaqaale oo ka dhan ah Qadar.

Afartan dal ayaa 5-tii bishii June xiriirka Diblomaasiyadeed u jaray dawladda Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la’aan ka wado gobolka ayna taageerto ururrada argagixisada.

Sidoo kale 23 June xulufada Sucuudiga ayaa Qadar ka dalbaday liis ay ku qoranaayeen 13 dalab oo ay lagama maarmaan tahay in ay fuliso hadii ay rabto in laga qaado xayiraada.

Waxaana dalabyadaas ku jiray in Qatar ay gabi ahaan xirto warbaahinta Al-Jazeera iyo ay xiriirka u jarto Iran, sidoo kale ay xirto Saldhiga Milatari ee Turkiga iyo in ay xiriirka u jarto dhammaan ururada Argagixisada gaar ahaan kooxaha Ikhwaanul Muslimiin, Daacish, Al-Qacida iyo kooxda Xisbullah.

Dowladda Qadar ayaa iyana diiday 13-ka dalab oo ay u soo gudbiyeen xulafada Sucuudiga, ayadoo iska fogaysay eedaymaha loo soo jeediyay.

Bayaan ay Khamiistii si wadajir ah u soo saareen xulafada Sucuudiga ayay ku sheegeen in diidmada Qadar ee 13-kooda dalab ay ka dhigantahay sida ay  Qadar u doonayso in ay u sii wado siyaasaddeeda ay uga golleedahay in ay ku burburiso ammaanka gobolka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa la filayaa in uu Isniinta soo socota gaaro dalka Kuwait oo dhex-dhexaadinaya khilaafka Khaliijka.

Dowlada Qadar ayaa muddo bil ah waxaa dhanka khaliijka ka saarnaa xayiraad dhaqaale iyo mid Diblomaasiyadeed.

PUNTLAND POST