Cumar C/rashiir oo dhaliilay Go’aanka dowladda Soomaaliya ee Khilaafka Carabta


Cumar Cabdirashiid Cali sharmaarke oo horey labo jeer u soo noqday Ra’iisul wasaare Soomaaliya hadana ka tirsan mudanayaasha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in maslaxadda Soomaaliya aysan marnaba ku jirin mowqifka dhexd-heaaxdnimo ee dawladda Soomaaliya ka qaatay Khilaafka Wadamada Carabta.

Cumar Cabdirashiid  oo Wareysi gaara siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in mowqifkaas dhexd-heaaxdnimo laga noqdo,  isaga oo sheegay in maslaxadda Soomaaliya ay ku jirto in lala safto dalalka Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar oo uu sheegay in ay mar walba usoo gurmadaan Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in dowladda Qadar aysan wax weyn tarijirin dowladda Soomaaliya, balse ay jirtay shaqsiyaad iyo xarakooyin ay gacan qabatay.

Sidoo kale Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahayd in ay talo badan galiso intii aysan go’aankaas qaadan, madaama ay ahayd arin masiiiriya oo saameyn ku yeelanaysa xiriirka amni iyo dhaqaale.

Dowladda Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay 7-dii June ku sheegtay in ay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dowladaha Carabta ee walaalaha ah.

War-saxaafadeedkaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowlada Soomaaliya ku baaqeyso in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham, iyada oo la adeegsanayo Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, ayna diyaar u tahay  dowladda Soomaaliya in ay gacan ka geysato sidii xal loogu heli lahaa khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay waddamada walaalaha ah.

Go’aankaas ayaana muujiyay in dowladda Soomaaya ay dhex-dhexaad ka tahay Khilaafka Wadamada Carabta.

Hoos ka dheyso Wareysiga oo uu qaaday Ridwaan Xaaji Cabdiweli/ VOA

PUNTLAND POST