Puntland oo Al-shabaab ku eedeysay diidmada lacagta shilinka Soomaaliga


Puntland ayaa Al-shabaab ku eedeysay qalalaasaha ka taagan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ee ku aadan diidmada lacagta shilinka Soomaaliga iyo sicir bararka .

Shir ay maanta golaha xukuumadda Puntland ku yeesheen magaalada Garowe uuna shir guddoominayay madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camey ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay diidmada lacagta shilinka Soomaaliga.

War-xasaafadeed ka soo baxay shirkaas oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray warbaahinta PUNTLAND POST ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay umadda Soomaaliyeed ku hayaan dhaqaalo burburin, madaama ay yiraahdeen lama isticmaali karo lacagta shilinka Soomaaliga.

Sidoo kale War-saxaafadeeka ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay umadda Soomaaliyeed ku soo qaaday duulaan cusub oo ah dhaqaale burburin, sicir barar, degenaasho la’aan iyo kobcinta lacagaha qalaad.

Dhanka kale Puntland ayaa shacabka deegaanadeeda ugu baaqday in qofkii diida lacagta shalinka Soomaaliga loo aqoonsan doono inuu kamid yahay Al-shabaab, waxayna laama amniga fartay in ay adkeeyaan xuduudaha Puntland, isla markaana ay qabtaan dadka ku howlan diidmada lacagta shinka Soomaaliga.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo iyadu maalin ka hor ka hadashay diidmada lacagta shilinka Soomaaliga ayaa sheegtay in dadka gobolada dhexe ay ka biyo diidsanyihiin lacago cususb oo la soo daabacay, dowladda Soomaaliyana aysan raali ka ahayn lacagahaas, iyadoo ugu baaqday dadka soo daabada lacagaha sharci darada ah in ay ka waantoobaan ficilada shacabka Soomaaliyeed lagu dhibaataynayo.

Magaalooyinka Guriceel, Dhuusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq, qeybo ka mid ah Gaalkacyo iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolada dhexe ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin dhaqaalaha iyo nolasha dadka saameyn weyn u geystay, kadib markii ay ganacsatadu diideen in ay wax ku iibsadaan lacagta shilinka Soomaaliga, waxaana xusid mudan in deegaanadaas ay gacanta ku hayaan maamulada, Ahlusuna, Galmudug iyo Hirshabeellle.

Ganacsatada magaalooyinkaas ayaa xiray meheradii waxayna ku andacoonaya in suuqyada lasoo geliyey lacago shilin Soomaali ah oo been abuur ah.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

PUNTLAND POST