Madaxweyne Siilaanyo oo ku Xanuunsanayo Isbitaal ku yaala Imaaraadka

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa waxa uu ku xanuunsanayaa Isbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo dhowaan uu aaday.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee maamulka Somaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay xaalada caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo in ay tahay mid aad u wanaagsan.

Waloow warbaahinta Somaliland ay  baahiyeen in xaalada caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo ay tahay mid aad u liidato, laakiin madaxda ugu sareyso maamulkaas ayaa beeniyay in xaalada caafimaad ee madaxweyne Siilaanyo ay liidato .

Madaxda ugu sareyso maamulkaasi madax banaanidiisa ku dhawaaqay ayaa beeniyay in xaalada caafimaad ee madaxweyne Siilaanyo ay liidato.

Hogaamiyayaasha Afrikaanka ah ayaa ku caan baxay qarinta xogtooda caafimaad xiliyada ay soo wajahdo xaalado caafimaad.

dhawaan hogaamiyaha Nageria Mohamaduu Bohari ayaa la qariyey xogtiisa caafimaad xili uu ku xanuunsanaayey isbitaal ku yaallo Magaalada London ee cariga Britain Muddo saddex Bilood ah.

PUNTLAND POST