Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in uu shir uga furmo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha siyaasada, amniga iyo qodobo kale.
Shirka Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul goboleedka ayaa noqonaya kii labaad oo ay yeeshaan Madasha Hoggaanka Qaranka, tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo bishii February ee sanadkaan 2017-ka.
Madaxda maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in maanta illaa berri ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, si uu shirka u furmo todobaadkan gudihiis, ka hor inta uusan bilaaban kalfadhiyada Baarlamaanka labada Aqal.
Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/wali Gaas ayaa soo gaaray Muqdisho , halka madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ay horay ugu sugnaayeen Muqdisho waxaana sidoo kale la sugayaa in uu yimaado Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Shirkan ayaa ka furmi doona Madaxtooyada, waxaa la filayaa furitaanka shirka kaddib inay shirka ka soo qeyb galaan wakiilo ka tirsan Beesha Caalamka.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho