Ra’iisul wasaare kheyre oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Sychelles


Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo wali ku sugan  magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Sychelles.

Ra’iisul wasaare  Khayre ayaa kala hadlay Madaxweyne ku xigeenka Sychelles xaalada maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalkaas, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay u baahantahay in maxaabiistaasi lagu soo wareejiyo.

Ra’iisul wasaare  Khayre iyo Madaxweyne ku xigeenka Sychelles ayaa kulanka ka dib kala saxiixday heshiis ay isku afgarteen oo ku aadan arintaas.

Arintaan ayaa ku soo aadaysa iyadoo dowladda Itoobiya ay sii daysay 120 Maxbuus oo  Soomaali ah, ka dib markii labada dowladood ay heshiis ka gaareen.

Maxaabiis farabadan oo Soomaali ah ayaa ku xiran Xabsiyada Caalamka, waxaana ka mid ah dalka Hindiya oo ay qaar kamid ah maxaabiistaas ku dhinteen xabsiga gudihiisa.

PUNTLAND POST