Warar ay heshay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) in maalmaha soo socdo uu safar ku tagayo deegaanada Puntlanad .
Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in madaxweyne Farmaajo oo booqashada ugu horeeyso ku tagayo Garoowe kadibna uu u soo gudbi doono deegaano kale oo PUNTLAND ka tirsan.
Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa socdaal ku maraya deegaano ka tirsan PUNTLAND isaga oo hordhac u ah wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo booqanayo PUNTLAND.
Booqashadaan Madaxweynaha uu ku tagayo PUNTLAND ayaa qeeyb ka ah socdaal uu madaxweyne Farmaajo ku tagay qaar kamid ah maamul Goboleedyada dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa horay booqasho ugu tagay xarumaha maamul goboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, iyadoo safarkii ugu dambeeyay uu ku tagay magaalada Kismaayo, halkaa soo habeen uu ku hoyday.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho