Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo sheegay in ay soo dhoweeynayaan Mukhtaar Roobow

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shaariif Xasan Sh. Aadan ayaa soo dhoweeyay go’aanka Dowladda Mareykanka xayiraada ugu qaaday Afhayeenkii Hore ee Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Shariif Xasan ayaa sheegay in Muqtaar Roobow uu qaatay Go’aan kii ugu wanaagsanaa islamarkaana  Al-shabaab aysan  marna ku soo weerari karin deegaanada uu kaga sugan yahay gobolada Bay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Sharif Xasan ayaa sheegay in Abuu Mansuur Roobow uu qaaday tallaabo wanaagsan, taasoo sababtay buu yiri in dowladda federaalka ka shaqeyso in xayiraada saarneyd laga qaado, taasoo wax ka tari dont buu yiri amniga iyo xasiloonida gobolada Bay iyo Bakool.

Sharif Xasan ayaa sheegay in ay difaaci doonaan haddii weerar kaga yimaado kooxda Shabaab, ayna soo dhoweynayaan mar walbo meeshit uu doonanan kaga noolaan karo deegaanada Bay iyo Bakool.

“Sheikh Mukhtaar Roobow oo jooga goboladaaan uma maleynaayo in AL-Shabaab wax ka qaadi karto, haddii wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka oo uu tilmaamay inuu aaminsan yahay in iyadu ka shaqeysay go’aanka Mareykanka in ay dedejiyo sidii loo dhameystiri lahaa wixii dhiman ee lagu soo dhoweyn lahaa Sheekh Mukhtaar”, ayuu yiri Shariif Xasan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post