Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Dilay Magaalada London.

Koox Tuugo ah ayaa muwaadin Soomaaliyeed waxa ay ku dileen  Woqooyiga Magaalada London Ee caasimada wadanka Ingiriiska.

Kooxdaan ayaa dilka Muwaadinkaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mahad  Cali oo Da’diisa lagu sheegay 18-sano u adeegsaday tooreey.

Ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan cida ka dambeeysay dilkaasi oo boolisku uu ku daba joogo.

Warar ay heshay warbaahinta PUNTLAND POST ayaa waxa ay sheegayaan in Allaha u naxariistee Mahad Cali uu kamid ah Soomaalida Ciyaarta feerka oo sida weyn caanka uga ah woqooyiga magaalada London.

Magaalada London ayaa waxaa baryihii la soo dhaafay ka dhacayay falal kala duwan oo lagu weerarayo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo kuwa shisheeyaba.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post