Somaliland iyo Imaaraadka Carabta oo heshiis kala saxiixday


Somaliland iyo dawladda Imaaraadka carabta ayaa maanta magaalada Dubai ku kala saxiixday heshiis lagu fulin doono mashaariic horumarineed oo ay Imaaraadku ka fulin doono qaybo ka mida Somaliland.

Mashaariicdaas ayaa kala ah wado laamiya oo isku xiri doonta magaalada Berbera iyo dalka Itoobiya iyo dhismaha garoon diyaaradeed oo cusub oo laga hirgalin doono Berbera.

Heshiiskan ayaa la sheegay in uu noqon doona mid wax weyn ka tari doona kaabayasha dhaqaale Somaliland, isla markaana kor u qaadidoona isticmaalka dekadda Berbera iyo ganacsiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, sidoo kalana hor seedi doona shaqo abuur.

Somaliland waxaa heshiiskan u saxiixay wasiirka arrimaha dibeda Sacad Cali Shire, iyadoo ay goob joog ahaayeen wasiiro kale oo ka tirsan Somaliland.

Somaliland ayaa heshiisyo dhowr ah oo ay ka mid tahay dekeda Berbera lagashay Imaaraadka Carabta.

PUNTLAND POST