Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaal iyo dib u heshiisiinta dowladda Soomaaliya Cabdi Faraax Siciid (Juxa) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Wasiirka iyo wafdigiisa oo ka ambabaxay magaalada Garowe ayaa ku sii hakaday degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal waxaana ku soo dhaweeyay maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmadaas, intaas ka dib waftiga Wasiirka ayaa u kicitimay magaalada Qardho waxaana si diiran duleedka magaalada ugu soo dhaweeyay maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, soo dhaweyn ka dib Wasiirka ayaa ugu mahad celiyay maamulka iyo shacabka soo dhaweyn toodii quruxda badnayd.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa labo bari ku sugnaan doona magaalada Qardho waxayna kulamo kala duwan la qaadan doonaan maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolkaaas.
Wagtiga Wasiir Juxa ayaa lagu wadaa in ay maalmaha soo socda gaaraaan magaalada Boosaaso oo lagu wado in uu ka dago madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo.




PUNTLAND POST