Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa maanta Ubax xusuus ah dhigay Taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.
Ubaxaan ayaa waxaa lagu xasuusanayaa dadkii Soomaaliyeed ee u soo halgamay xoriyadda dalka Soomaaliya, kuwaas oo taariikh aan la iloobi karin ku leh quluubta dadka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo oo halkaas kula hadlay boqolaal shacab ah oo halkaas isugu soo baxay ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan horumarka dalka oo ay la mid noqdaan dadkii ka soo shaqeeyay xoriyadda maanta lagu naaloonayo.
Sidaan oo kale madaxweyne Farmaajo ayaa 26-kii june oo ah maalintii gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya qaateen xoriyadda Ubax xusuus ah dhigay Taalada Daljirka Daahsoon.

PUNTLAND POST