Madaxweyanaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Aqalka dowladda hoose ee Muqdisho caawa kaga qaybgalay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 57-aad ee ka soo wareegtay maalintii Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya qaateen xoyadda iyo israacii Gobolada Waqooyi iyo Koonfur ee dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii soo gaaray goobta munaasabadda waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo muusikada baambeyda.
Muanaasabadda ayaa sidoo waxaa ka qeyb galay Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre, Guddoomiye ku xigeenka Aqal hoose ee Barlamaanka, Guddomiyaha Maxkamadda sare, Wasiiro, xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, saraakiil ciidan, fanaaniin, qeybaha ka duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale.
Madaxda dalka ayaa hambal u diray shacabka Soomaaliyeed oo u dabaal dagaya maalinta 1-da Luulyo oo ku beegan sanad guuradii 57-aad ee ka soo wareegtay maalintii Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya qaateen xoyadda iyo israacii Gobolada Waqooyi iyo Koonfur ee dal Soomaaliya.
Ugu danbeyn madaxda dalka iyo dadweynahihii ka qeyb galay munaasadda ayaa isugu yimi fagaaraha dhismaha Aqalka dowlada hoose ee Muqdisho, waxaana halkaasi laga saaaray Calanka buluuga ah ee Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu mar kale salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo muusikada baambeyda.

PUNTLAND POST