
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay todoba ruux oo rag ah oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, kadib xukun horey loogu riday.
Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ee shan Gobol oo Puntland ah Gaashaanle Sare Cawil Axmed Faarax oo warbaahinta lahadlay ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu fuliyay todobada ruux, wuxuuna sheegay in ragan horey xukun dil ah loogu riday, balse maanta lagu fuliyay xukunkooda.
Guddoomiyaha ayaa xusay in Cabaas Ibraahim Aaden oo 26 jir ah, Ibraahim Maxamed Canshuur oo 20 jir ah, Dhaqane Aadan Cabdi Xasan oo 20 jir ah, Aaden Nuur Aaden oo 27 jir ah iyo Nuur Cabdi Aaden oo 22 jir ah laga soo qabtay magaalada Boosaaso, halka Cabduqaadir Maxamed Cali iyo Cabdixakiim Xasan laga soo qabtay magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in ragan lagu helay eedo ah in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, in ay dilal ka geysteen magaalooyin ka mid ah Puntland iyo qaar lagu qabtay iyagoo sida qaraxyo.
Shan ka mid ah ragan waxaa magaalada Boosaaso lagu qabtay 26-kii April ee sanakan iyagoo sida qaraxyo, hadaba hoos ka Daawo Taliyaha qeybta Booliska ee Gobalka Bari Gaashaanle Dhexe C/Xakiin Yuusf Xuseen oo ka hadlayay goobtii lagu soo bandhigay ragan xiligaas.
Sidoo kale shantan eedaysane ayaa xukun dil ah lagu riday 27-kii May ee sandkan, hoos ka Daawo Guddoomiyihii Maxkamada ciidamada qalabka sida ee xilgaas Cabdifitaax Xaaji Aadan oo xukunka ku dhawaaaqaya.
Puntland ayaa marar badan dilal toogasho ah ku fulisa eedeysanayaal ay sheegto in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, halka qaar kalana ay dhaqan celin u samayso.
PUNTLAND POST