
Safiirka dowladda Mareykan u qaabilsan Soomaaliya Stephen Schwartz iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.
Wafdiga safiir Stephen Schwartz oo ay ka mid ahaayeen madax ka tirsan hay’ada Mareykanka u qaabilsan gargaarka ee USAID ayaa kulamo la qaatay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici oo ah ku simaha Madaxweynaha, Wsiiro iyo Guddiga Doorashooyinka Somaliland.
Kulamada kadib ayay warbaahinta u sheegeen ujeeddada socdaalku in uu la xiriiro doorashooyinka la filayo inay ka qabsoomaan Somaliland iyo arrimo kale.
Mareykanka ayaa doonayo inuu ka qayb qaato sidii ay doorashada Somaliland ugu qabsoomi lahayd wakhtigeeda, xilli ay beesha caalamku ka niyad jabeen, markii ay dhowr jeer dib u dhacday.
Safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa hadda fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.
PUNTLAND POST