Dowladda Soomaaliya oo ka digtay khatarta Bariis Caag ah


Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay khatarta Bariis Caag ah oo la sheegay in la soo galiyay dalka Soomaaliya, kaas oo ku baahay suuqyada magaalada Muqdisho.

Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Khtarta  ka iman karta bariiskaas iyo sidoo kale Keeg ka samaysan koolooyin.

“Waxaan u malaynayaa in laga wada dharagsan yahay khatarta ay leedahay cuntooyinka dalka la keenayo, bariiska Caag ah iyo Keeg ka sameysan wax yaabo koolooyina oo la keenay dalka, wax yaalahaas oo dhan waxaa lagu ilaalin karaa oo laga badbaadi karaa waa in aan leenahay sharci lagu ilaaliyo tayada wax yaabaha wadankeena soo galaya oo beeraha ka soo jeeda “ ayuu yiri Wasiirka Beeraha Siciid Ciid.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in sharciga  Beeraha uu yahay mid cilaaqaad la leh wax yaabaha qutul-daruuriga ah ee ay dadku u baahan yihiin, waxa uuna xusay in ay laga maaarmaan yahay sharciga Beeraha dalka.

Baraha Internet-ka ayaa maalmihii u dambeeyay lagu baahiyay Bariis ka sameysan Caag oo suuqyada caalamka lagu iibiyo, waxaan la sheegay in hadda la soo galiyay suuqyada Soomaaliya.

PUNTLAND POST