Wasiir Juxa oo kulamo la qaatay Waxgaradka magaalada Gaalkacyo


Wasiirka arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowlada Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa oo shalay galinkii danbe soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa kulan la qaatay waxgaradka maamulka Galmudug.

Wasiir Juxa ayaa waxgaradka Gaalkacyo ee Galmudug kala hadlay nabadeynta magaalada Gaalkacyo iyo sidii looga hortagi lahaa in uu markale dagaal ka dhaco Gobolka Mudug, isagoona waxgaradka Galmudug ka codsaday in ay hirgaliyaan heshiiskii ay dhawaan magaalada Cadaado ku gaareen madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland.

Dhanka kale Wasiir Juxa ayaa Gaalkacyo kula kulmay Wsiiro ka tirsan Puntland iyo Galmudug sidoo kale Wasiirka ayaa kulan kale la qaadan doona waxgaradka Puntland ee magaalada Gaalkacyo, isagoo ka hadli doona mid la mid ah arintaas.

Guddiyo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa shir uga socday Gaalkacyo shalay soo gabagabeeyay, iyagoo ka soo saareen qodob lagu wajahayo nabadeynta Gobolka Mudug.

PUNTLAND POST