Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland Aadan Nuur Qaal oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay xaalada Amni ee magaalada Gaalkacyo iyo tan Gobolka Mudug.
Taliyaha oo dhawaan xilkaas loo magacaabay ayaa ka warbixiyay waxqabadkii mudahiii uu xilkaas hayey, waxa uuna sheegay in xaalada Amni ee magaalada Gaalkacyo ay aad u wanaagsantahay ayna ku guuleysteen qabashada dad badan oo ka shaqeynayey falal lid ku ah Amniga Gobolka Mudug.
Taliye Aadan Nuur Qaal ayaa sheegay in ay hayaan xogo badan oo ku saabsan weeraro ay doonayaan Al-shabaab in ay ka fuliyaan Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa shacabka gobolkaas ugu baaqay in ay kala shaqeeyaan Amniga, si looga hortago wax kasta oo lid ku noqon kara Amniga Gobolka gaar ahaan kan magaalada Gaalkacyo.
Dhankale taliyaha ayaa shacabka Gobolka Mudug ugu baaqay in ay qaatan aqoonsiga Puntland ayna qofkii aan wadan aqoonsigaas u aqoonsandoonaan in uu qeyb k ayahay Amni darada Gobolka, sidoo kale waxa uu mulkiilayaasha Hoteeladda faray in aysan ka kireyn Hoteeladda qofkii aan wadan aqoonsiga Puntland ama Degmada Gaalkacyo.