Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Kampala

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.

Madaxweyne Farmaajo oo ay wafdi uu hogaaminayo ka mid yihiin Wasiirka Gaanshaandhiga, Wasiiru dowlaha arrimaha dibada iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka ayaa waxaa Kampala ku soo dhaweeyay masuuliyiinta ugu sareysa dowlada Uganda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dalkaas ku sugnaan doona muddo labo cisho ah, isagoo ka qeyb gali doona shir arrimaha qaxootiga loo hadli doono oo ka dhici doona magaalada Kampala.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan gaaara la qaadan doona Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni waxayna kawada hadli doonaan xiriirka labada dal.

Dalka Uganda ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo 5,000 kor u dhaafaya oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

PUNTLAND POST