
Boqarka dalka Sucuudiga Salman bin Cabdicasis ayaa wax ka bedel ku sameeyay dhaxalka Bortooyada dalkaas, isagoo wiilkiisa Maxamed bin Salman ka dhigay dhaxal sugaha Boqorka.
Boqor Salman ayaa Amiir Maxamed bin Nayef oo horey uhaa dhaxal sugaha Boqorka ka qaaaday darajadaas, waxaana sidoo kale laga eryey wasiirnimadii Wasaaradda arrimaha gudaha dalkaas.
Maxamed bin Salman oo hadda loo magacaabay dhaxalka sugaha Boqorka ayaa ah 31 sano jir sii haynaya xilkiisii Wasiirka Gaanshaandhiga, wuxuuna sidoo kale noqonayaa Ra’iisul wasaare ku xigeen dalkaas.
Wakaaladda wararka ee dawladda Sacuudiga ayaa sheegtay in Boqorku uu ku baaqay in shacabku ay daacadnimo ugu muujiyaan Amiirka cusub magaalada Maka habeenimada Arbacada.
Boqor Salman bin Cabdicasis ayaa isbedeladan ku shaaciyey dikereetooyin boqortooyo oo is xigxigay.
PUNTLAND POST