Waxaa Goordhow Qarax laga soo buuxiyay gaari uu ku qarxay meel aan sidaasi uga fogeeyn xarunta degmada wadajir ee Muqdisho.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari nooca Soomaalidu ay u taqaano ee la yiraahdo Caasi ama Hoomeey.
Qaraxa ayaa geeystay qasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
Xarunta degmada ayaa waxaa ku dhagan suuqa weyn ee degmada Wadajir oo dad badan oo ciida u diyaargaroobayay ay ka tugaameeysanayeen.
dhimashada iyo dhaawaca ayaan ilaa iyo iminka la xaqiijin qaraxa oo dhacay goordhow aawgiis.
Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaasi uu ku dhaawacmay gudoomiyaha cusub ee degmada Wadajir Cumar C/llaahi Xasan.
Faah Faahinta Qaraxa dib kala soco Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho