Somaliland iyo Khaatumo oo Heshiis ku gaaray Hargeysa

Somaliland iyo Khaatumo ayaa maanta ku kala saxiixday magaalada Hargeysa heshiis ka kooban Shan qodob.

Heshiiskan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Barlamaanka maamulka Khaatumo iyo sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland iyo Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Uxid.

Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa warbaahinta u akhriyay Shanta qodob ee ay ku heshiiyeen Somaliland iyo Khaatumo waxayna ahaayeen sidatan.

1- In Somaliland iyo Khaatumo ay ku tantuunsadaan sidii afgarad buuxa loo wada gaari lahaa

2- In la wada qorsheeyo lagana wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa Somaliland loo wada siman yahay oo ku dhisan cadaalad, maamul wanaag iyo xaq dhawrista xuquuqal iinsaanka, ku dhisan diinta islaamka oo muwaadiniinteedu midna ku ahayn marti balse ay u wada siman yihiin.

3-In dastuurka somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi sugan oo cadaalada ku dhisan oo laga sameeyo madaxda golayaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka iyo Hay’adaha dawliga ah.

4- In la sameeyo maamul daadejin heer gobol, degmo iyo magaalo lana qeexo mid walba awoodeeda.

5- In shir dambe layskugu yimaado 10-ka July laguna qabto magaalada Burco si loo dhameeyo wixii qabyada ah lagana tashado qaabkii iyo hanaankii loo qaban lahaa shir loo wada dhan yahay.

PUNTLAND POST