Wararka ay warbaahinta PUNTLAND POST ay ka heleeyso deegaanka Baanyaale oo dhaca xadka Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed.
Dagaalkaasi ayaa salka ku haya aano qabiil oo soo jiitameeysay oo u dhaxeeysay labadaasi Beel ee dagaalamay..
Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo dagaalkaasi waxaa ku dhintay in ka badan 10 ruux oo dhinacyadii dagaalantay ah tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacantay.
Maamulada Hirshabelle iyo Galgaduud ayaa ka hadlay dagaalkaasi waxaana ay ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo dagaalkaasi.
Waxaa ku soo laa laabtay Xadka Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya dagaalo u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyo ka soo jeedo labadaasi gobol.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho