Taliyaha Guud ee ciidamada Puntland General Saciid Dheere oo la hadlay Radio Daljir ayaa ka hadlay dagaalo dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidamada Puntland.
Taliye Siciid dheere oo hadda ku sugan magaalada Boosaaso ayaa sheegay in 25 dagaalyahan oo ay ku jiraan Saraakiishooda ay ku dileen dagaalkii khamiistii ka dhacay tuulada Af-urur.
Waxa uu sheegay in dowlada ay sii laba jibaari doonto dagaalkaasi lagula jiro Al-Shabaabka ku dhuumaaleeysanaya buuraha Puntland.
Dagaal aad u culusaa ayaa maalintii khamiista aheyd waxa uu ka dhacay Deegaanka Af-urur .
Hoos ka Dhageyso.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post