Jubbaland oo ka hadashay dagaal Xalay ka dhacay duleedka Kismaayo

Xalay seqdii dhexe waxaa deegaanka Luqloow oo hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland ka dhacay dagaal khasaare geystay oo dhexmary ciidamada Jubbaland iyo Al-shabaab, kadib markii Al-shabaab ay soo weerareen fariisin ay halkaaas ku la haayeen ciiidamada Jubbaland.

Xasan Ciraaqi oo kamid ah saraakiisha ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalkaas waxa uuna sheegay in dagaalkaas ay Al-shabaab uga dileen labo Askari, halka ay mid kalana gacanta kaga dhigeen.

Hoos ka Daawo Xasan Ciraaqi oo arintaas ka hadlaya.

Al-shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaada fariisimaha ciidamada Soonaaliya, iyagoo habeen ka hor ku qaaday deegaaan Af-urur ee Gobolka Bari oo fariisin u ahayd ciidamo ka tirsan Puntland.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST