Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Warbaahinta Puntland Post ayaa waxa ay sheegeeysaa in Xil muhiim ah loo magacaabay Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Puntland.
Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya General Saacid ayaa Gen Cabdirisaaq Af Gaduud taliyihii hore ee ciidamada Booliska Puntland u magacaabay taliyaha isku dhafka Booliska iyo xiriirka Maamul goboleedyada.
General Afgaduud ayaa looga fadhiyaa mideeynta Booliska Maamul Goboleedyada iyo Booliska Dowlada Dhexe ee Federaalka Soomaaliya.
General Saacid Taliyaha ciidamada Booliska Dowlada Soomaaliya ayaa horey u balan qaaday in ay wanaajin doonaan xiriirka Booliska DFS iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho