Akhriso:-Dowladda Jabuuti Oo Go’aan ka Qaadatay khilaafka Wadamada Carbeed

Dowladda Jabuubti warsaxaafadeed ay soo saartay ayaa waxa ay mowqif ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya wadamada Carabta, iyadoo sheegtay in ay xiriirka u jarayso wadanka Qatar oo ay la safaneyso Xulufada Sacuudigu hogaaminaayo.

Sidaan ayuuna u qornaa warsaxaafadeeda ay kasoo saartay khilaafkaasi iyo cida ay la safanayso.

Dowladda Djabuuti waxay si heer caalami ah u shaacineysaa in ay go”aansatay in ay yareeneyso xiriirka siyasadeed eek ala dhaxeeyo wadanka Qatar.

Go” aankaan waxaa gaaray Dowladda Jabuuti iyadoo doonaysa in ay la midoobdo wadamada  ku xulufooway in ay xiriirka u jaraan dowladda Qatar kadib markii la ogaaday in ay garab siiso argagixisada, iyo mintidiinta jihaadiistayaasha ah ee kasoo horjeeda wadamada ku midoobay Gacanka carbeed iyo jaamacada Carabta.

Dowladda Jauuti weli waxaa ka go”an in ay  xiriir siyaasadeed oo wanaagsan uu dhexmaro wadama carabta ah, waxaana isku deyi doonaa in wax waliba aan ku xalino wada hadal loo adeegsanaayo codka carbeed oo wada jira.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post