Rati loo qisaasayo dil uu u geystay Nin!

Deegaanka Ballidhiig Ee Gobalka Togdheer Somaliland waxaa Xukun Dil ah lagu fulin doonaa Awr “Ratti” Dad Cun ahaa kaasi oo todobaadkaan gudihiisa deegaankaas ku cunay Nin.

Dadka deegaanka iyo culimadda deegaanka Ballidhiig ee Gobalka Togdheer Somaliland oo kulan ka yeeshay arintaas ayaa go’aan ku gaaray In Awr-ka ama “Rattiga” xukun qisaas ama dil ah lagu fuliyo madaama uu cunay Cawil Daaruf oo kamid ahaa dadka deegaanka.

“Culimadda deegaanka Ballidhiig ee Gobalka Togdheer Somaliland, waxay go’aan ku gaaren in xukun qisaas ah in lagu fuliyo geelka cunay Cawil Daaruf, oo kamid ahaa dadka deegaanka, islamarkaaana rattiga uu baahi darneed u cunay, runtii waa arin aad loogu xumaaday taasi ayaana keentay in xukun lagu fuliyo ratiga”, ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka uu ka hadlayay go’aanka laga qaadatay.

Waa arin ku cusub Geyiga Soomaalida in Xukun Qisaas ah lagu rido Awr Cunay Nin.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post