Daacish oo weerartay xarunta Baarlamaanka dalka Iran

Xarunta baalamaanka Iran

Inta la xaqiijiyey 12 qof ayaa ku dhimatay tiro kalana way ku dhaawacmeen labo weerar oo mid ka mida uu ka dhacay xarunta barlamaanka dalka Iran ee magaalada Tehran, halka kan kalana uu ka dhacay qabriga hogaamiyihii hore ee dalkaas Ayatollah Ruhollah Khomeini.

Weerarka ka dhacay xarunta baarlamaanka ayaa la sheegay in ay fuliyeen Hal nin oo isku qarxiyey gudaha xarunta baarlamaanka iyo Saddex nin oo kale oo qoryaha fudud ku hubeysnaa.

Sidoo kale Weerarka qabriga ayaa la sheegay in ay fuliyeen saddex nin iyo qof is qarxiyey, kaas oo galay qabriga oo ku yaalla koonfurta magaalada Tehran, halkaasi oo ay ku dhaawaceen dhowr qof.

Kooxda Daacish ayaa War ay soo dhigtay wakaaladeeda wararka ee Amaq ku sheegatay masuuliyadda labada weerar.

Liban Yusuf

PUNTLAND