Puntland oo sheegtay in uu dib u bilaaban doono dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garowe

Bosaso-[Puntland Post] Wasiirka wasaarada Duulista Hawada Puntland ayaa ku dhawaaqday in todobaadka nagu soo beegan ay dib u bilaaban doonto shaqada dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, kaas oo mudo hakad ku jiray, isla markaasna ay warar kala duwan ka soo baxayeen.

Wasiirka Duulista Hawada & Garoomada ee dawladda Puntland oo maanta dib ugu soo labtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari, kadib mudo uu ku maqnaa dalka Isku taga Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in ay guulo wanaagsan ka soo faa’iideen safarkan.

Wasiirka ayaa sheegay in asbuuca dambe dhismaha garoonka diyaaradahaGaroowe la bilaabi doono, lana dhameystiri doono sadexda bilood ee nagu soo beegan, isagoo rajo wanaagsan ka muujiye in aan dibu dhac dambe imaan doonin.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST