Madaxweyanha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi farmaayo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG dowlad goboleed Jubbland.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga la socda ayaa waxaa garoonka diyaarada Kismaayo si diiran ugu soo dhaweeyey madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Jubbaland iyo boqolaal qof oo ah dadweynaha ku magaalada Kismaayo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa salaam sharaf ka qaatay cusubyo ka tirsan ciidamada Soomaaliya, waxa uuna salaam la dhexqaaday dadweynihii ku soo dhaweeyay garoonka Kismaayo.
Madaxweyne Farmaajo iyo waftiga la socda ayaa intaas ka dib loo galbiyay xarunta madaxtooyada Jubbaland waxaana la filayaa in ay halkaas kula kulmaan madaxda Jubbaland iyagoo la filayo in ay kawada hadlaan arimo ay ka mid yihiin sidii gobolada Jubbaland looga xoreyn lahaa Al-shabaab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa safarka ku waheliya xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, Wasiiro iyo Saraakiil ciidan.


Liban Yusuf
PUNTLAND POST