Rag loo haysto dilkii Wasiir Cabaas oo la soo taagay Maxkamadda Ciidamada

 

Ragga loo heysto dilkii Wasiir Cabaas

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay dacwad ciqaab ah oo loo heysto labo Nin oo lagu eedeeyey dilkii Wasiirkii howlada guud ee xukuumada Soomaalya Cabaas Siraaji.

Labadan Nin oo ahayd askar ilaalo u ahayd Hanti dhowrihii guud Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa la sheegay in ay dileen Wasiir Cabaas, kadib markii uu gaari uu watay Wasiirku ku soo dhawaaday gaari kale oo uu watay Hanti dhowruhu.

Askartan loo heysto dilka Wasiir Cabaas ayaa lagu kala magacaabaa Axmed Cabdulahi Ceydiid iyo Cismaan Salaad Barre kuwaas oo la sheegay in ay ka kala tirsanaayeen ciidamada Military-ga iyo Booliska  Soomaaliya.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada Kowaad ee ciidamada qalabka sida Gaanshaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa dood dheer kadib ku dhawaqay in maxkamaddu xirantahay isla markaana dib la isugu soo laaban doono, marka ay keenaan xeer ilaalinta cedeymo ku filan kiiska loo heysto eedeysanayaasha.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda go’aan ka soo saarto dacwada la xirrirta dilkii Wasiir Cabaas Siraaji oo 3-dii bishii la soo dhaafay ee May lagu toogtay Muqdisho.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST