Dad ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Kismaayo

Saddex ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qarax maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada Booliska.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhow saldhiga ciidamada Booliska Kismaayo waxaana la sheegay in aysan jirin cid ku dhimatay qaraxaas, marka laga reebo dhaawaca seddexda ruux.

Dadkii wax yeeladu ka soo gaartay qaraxaas ayaa lageeyay Isbitaalka magaalada Kismaayo, halkaas oo lagu daaweynayo.

Ciidamada amaanka Jubbaland ayaa ilaa hada wada howgalo iyo baaritaano kala duwan oo ku aadan qaraxaas.

PUNTLAND POST