Real Madrid oo ku guuleysatay Champions League-ga

Kooxda Real Madrid ayaa xalay markii 12-aad ku guuleysatay koobka horyaalada Qaarada Yurub ee Champions League- ga, ka dib markii ay 4-1 ugu awood sheegatay kooxda reer Talyaani ee Juventus.

Real Madrid ayaa difaacatay koobkan oo horey ugu guulaysatay sandkii hore waxayna guusha ku gaadhay labo gool oo uu dhaliyay Cristiano Ronaldo iyo min hal gool oo ay dhaliyeen Carlos Caseiro iyo Marco Asensio waxayna noqotay kooxdii ugu horeysay oo labo sano oo xariira qaada koobkan tan iyo markii lagu magacaabay Champions League.

Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqdii 20-aad ee qeybtii hore daah furay goolasha kadib baas fiican oo uu ka helay Carvajal, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0, J uventus ayaa kadib soo qaaday weeraro isdaba joog ah si ay isaga soo gudo goolka Mandzukic ayaa daqiiqadii 27-aad gool cajiib ah ka dhaliyay goolhaye Navas kadib kubadd uu kahelay saaxiibkiis Higuain cayaarta ayaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-1.

Qeybtii dambe  ee ciyaarta Real Madrid ayaa ku soo gashay qaab ka duwan kii hore Marco Casemiro ayaa  daqiiqadii 61-aad shuud xogan daba mariyay goolhaye Buffon, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-1.

Cristiano Ronaldo ayaa marlabaad  saddex daqiiqo kadib sii quusiyay Juventus wuxuuna shabaqa ku hubsaday kubadd uu banaanka u soo dhigay Modric, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 3-1.

Marco Asensio  ayaa daqiiadii 89-aad ku soo gabagabeeyey ciyaarta 4-1 kadib markii uu shabaqa ku hubsaday goolkii 4-aad Real Madrid.

Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleysatay kabaha dahabka ah ee tartankan waxa uuna dhaliyey 12 gool.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST